Baarlamaanka Oo Loo Gudbiyey Mooshin Ka Dhan Ah Wasiiradii Ku Jiray Xukuumaddii Saacid * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamaanka Oo Loo Gudbiyey Mooshin Ka Dhan Ah Wasiiradii Ku Jiray Xukuumaddii Saacid

Muqdisho, Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo gudbiyey mooshin ka dhan ah wasiiradii ku jiray xukuumaddii kalsoonida baarlamaanka weysay ee Saacid hogaaminayey.

Mooshinka ayaa ku saabsanaa in xubin ka mid ah Golahii Wasiirada ee ay baarlamaanku kalsoonida kala laabtay aan lagu soo darin golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisayo R/wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Xildhibaannada soo saxiixay mooshinkan oo ahaa ilaa sodomeeye ayaa baarlaamanka ka codsaday in laga dooddo mooshinkan, maadaama uu yahay mid xaasaasi ah oo u baahan in mudanayaashu ay aragtidooda ka dhiibtaan, waxayna xildhibaanada soo gudbiyay mooshinkan ay u cuskadeen in aysan xiligan habooneyn in Golaha Wasiirada cusub lagu soo darro Xukuumaddii kalsoonidii laga laabtay oo ay ku sheegeen in xubno ka tirsanaa Xukuumadaasi ay wax ka saxiixeen mooshinkii kalsoonida lagala noqday.

Xildhibaanada mooshinkaan keenay ayaa ah kooxdii taageersaneyd R/wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxeyna doonayaan iney Saacid raacaan xubnihii wasiirada ee la safnaa madaxweynaha xilligii Raysul wasaaraha la ridayey.

Xildhibaanno kale oo iyana ka hadlay kulanka ayaa sheegay in mooshinkan uu yahay mid qalad ah oo wax u dhimaya muwaadinka Soomaaliyeed ee loo arko in markale xil loo dhiibi karo, iyagoo xusay in tani ay fara gelin ku noqoneysa R/wasaaraha cusub oo ku howlan soo dhisidda Xukuumad cusub oo tayo leh, waxayna ay soo jeediyeen in mooshinka dib loo celiyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gabo gabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in maanta aan mooshinkaan loo codeyn karin, maadaama uusan kooramka dhameyn, waxaana uu sheegay in mooshinkaan cod la gelin doono maalinta Talaadada ah ee soo socota.

Ilaa iyo 50 xildhibaan oo ka hadlay dooda mooshin ayaa ku kala aragti duwanaa mooshinkaan iyo meel marintiisa.

Warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxay ayaa sheegayey iney suurgal tahay in qaar ka mid ah xubnihii xukuumadii Saacid ay ka mid noqdaan xukuudda C/weli Sheekh Axmed, taasoo xildhibaanada qaar diidan yihiin.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!