Baarlamaanka Oo Beeniyay In Loo Gudbiyay Mooshin Ka Dhanka Ah Xukuumada Kheyre
Maalimihii u dambeeyay Baraha Bulshada iyo Wabsite-yada qaar ayaa qorayay in Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay mooshin ka dhanka ah Xukuumada Soomaaliya balse taasi been abuur lagu tilmaamay.
Xogheyaha Baarlamaanka Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in Wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah isla markaana aysan jirin wax qaraar ka dhan ah Xukuumadda oo Guddoonka Baarlamaanka loo soo gudbiyay.
Waxa uu sheegay in markii ay Xukuumadda Soomaliya ay soo saartay Go’aankii lagu wareejiyay Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax ay arrintaan timid.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Guddiga joogtada ee Baarlamaanka markii ay maqleen arrintaan iyaga oo ka jawaabaya ay ka fariisteen,isla markaana ay u gudbiyeen Golaha Shacabka ugu dambeyn Guddoonka Baarlamaanka ay guddi ka soo tala bixiya u Magacaabeen.
Comments are closed.