Baarlamanka oo $300 kun dollar ku yaboohay soo celinta qaxootiga Yemen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamanka oo $300 kun dollar ku yaboohay soo celinta qaxootiga Yemen

Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa lacag ugu deeqay qorshaha dib loogu soo celinayo dalka, qaxootiga Soomaalida ee ku go’doonsan waddanka Yemen.

Kulan, ay magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiga joogtada ah ee baarlamaanka, ayaa lagu shaaciyey in golaha baarlamaanka uu lacag dhan $300,000 ugu deeqay sidii kumannaanka qaxootiga Soomaalida loogu soo celin lahaa dalkooda

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalle Cawad ayaa u sheegay warbaahinta in lacagtan laga jaray mushaaraadka ay qaataan xildhibaannada iyo howl-wadeennada baarlamaanka.

Wuxuu tilmaamay in qaabka iyo sida loo soo celin karo qaxootiga ay wada-tashiyo kala yeelanayaan xukuumadda iyo maamul goboleedyada. Qiyaastii 750,000, oo qaxooti Soomaali ah ayaa la aaminsan yahay in ay ku nool yihiin Yemen.

Dagaallada iyo weerarrada cirka ee ka socda Yemen ayaa sababay in toddobaadyadii u dambeeyey ay qaxooti badan si iskood ah ugu soo laabtaan Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!