
Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed waxaad u badan tihiin Dad aqoonyahano ah oo ka nadiif ah Qabiil islamarkaana ay ka go’an tahay in soomaaliya ay hesho Dowlada Cadaalad ah gaar ahaan dhinaca Garsoorka sidaa Darteed waxaan nahay Dad Dhibanayaal ah oo Xaquuqdoodii ka waayey Garsoorka iyo Maxkamadaha, qaarkoodna inta Niyad jabeen ayey Dalka ka dhoofeen kuwa kale markii Dhaqaalihii iyo Kabiihii ka dhamaadeen ayey iska quusteen
Mudanayaal Garsoorkii dalka waxaa uu noqodey mid qabiil gaar uu Maamulo oo oo waxaa uu doono ka sameeyo sidoo kalena Dhamaan Garsoorayaasha iyo Shaqaalaha ka shaqeeye Adeega garsoorka sida Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalinta waxay noqdeen kuwa ay yeeshaan dad isku hayb ah wuxuuna garsoorkii uu noqdey mid ay sii aad ah ugu Dulman yihiin Dad fara badan oo Soomaaliyeed ka dib markii ay Halkaas u raadsadeen in ay helaan Xukun cadaalad ah .
Xildhibaanada sharafta leh waxaa la Qorsheynayaa in Dhawaan la magacaabo Golihii adeega Garsoorka oo aad ansaxin doontaan sidaa Darteed waxaan Baarlamaanka waa Golaha Shacabka iyo midka aqalka sare uga digeynaa in Liiska Golaha Adeega garsoorka lagu soo daro Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Xubnaha lagu tuhmayo in ay sameeyeen Laaluush iyo Xadgudub dhinaca Garsoorka ah
Mudanayaal Waa la yaab leh in Wasiirka Cadaalada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya in uu Wado Qorshe uu ku doonayo in Labadaas Xubnood ku soo daro Liiska Golaha Adeega Garsoorka isagoo og Dhibaatada maanta ka taagan Garsoorka u geysteen islamrakaana ah kuwa Cuuryaamiyey in Cadaalada ay hore u dhaqaaqdo si Bulshada Soomaaliyeed u helaan Xukun ku dhisan Cadaalad iyo Sinaan, sidoo kale waxaa ka sii yaab badan in Labadaas Xubnood inta dacwado Furaan ka dibna si iskood ah u joojiyaan
Mudanayaal hadii ay dhacdo in Labadaas Xubnood lagu soo daro Golaha Adeega Garsoorka in Garsoorkii dalka uu uu Hoos ka sii marayo halka maanta uu taagan yahay waxayna Bulshada Soomaaliyeed ay la kulmi doonaan Niyad jaba iyo waxaana adkaan doonto in Soomaaliya ka hanaqaado Dowlad daahfuran oo Kalsooni ka hesho Shacabka soomaaliyeed
Waxaan idiin Sheegeynaa in Dowlada Soomaaliya ay ka lug jiideyso wax ka qabashada Garsoorka dalka , waxaana Moodaa in ay raacdey Wadooyinkii ay raaceen Dowladihii ka horeyeey kuwaa oo ku fashilmey in ay Xooga saaraan sidoo Soomaaliya uga dhaqanj geli lahayd Garsoor ay bulshada Aamini karo kuna Kalsoonaan karto
Xildhibaanada Sharafta leh waxaan idiin ka Codsaneynaa hadii aan nahay Dhibayaal Xaquuqdoodii ka waayey Garsoorka dalka in aad ummada Soomaaliyeed u soo Xushaan dad Aqoon u leh Garsoorka dalka si ay wax uga qabtaan cadaaladarada weli ka taagaan garsoorka dalka oo maanta maraya halkii ugu Xumeyd sidoo kale waxaa idiin ka codsaneynaa in aad wax ka soo ogaataan xaalada Maxaabiista Soomaaliyeed gaar ahaan Noloshooda iyo waliba waxan idiin sheegeynaa in qaarkood iyagoo Xukuneyn ayey halkaas ku jiraan ka dib markii ay waayeen Garsoor cadaalad ah
Ugu dambeyn Mudanayaal Shacabka soomaaliyeed Maanta wuxuu u baahan yahay in la badbaadiyo islamarkaana ay helaan Garsoor cadaalad ah oo dhowra Xaquuqda mawaadinka Soomaaliyeed hadii aan nahay bulshada Soomaaliyeed waxay idiin ka sugeynaa in aad u soo Xushaan Gole adeeg Garsoor oo wax ka qabta laalluushka iyo gabood Falada ka taagan Garsoorka dalka hadii aad saxi weydaan Garsoorka Ummada Soomaaliyeed waxaan u qaadaneynaa in anaan dooneyn in Soomaaliya hesho Dowlada la jaan qaadi karta dowladaha kala ee caalamka oo Horumar weyn ka gaarey Adeega Garsoorka iyo dhowrista Xaquuqda Mawadiniintooda
Sidoo kale waxaan ka codsaneyaa Gudiga Baarlamaanka ee Dhinaca Garsoorka in aad qayb weyn ka qaadataan sidii wax looga badeli lahaa Garsoorka dalka oo aad wax badan ka ogtihiin waxaa maanta ka taagan sidii Darteed haddii aad hagaajisaan Cadaalada wadanka in ay taariikhda idin Xusi doonto hadii aad indhaha ka qarsataan waxay Bulshada idiin arki doonaan kuwa meesha u jooga Magac u yaal oo ku fashilmey wixii lagu soo doortey oo ah Badbaadinta ummad Soomaaliyeed
Halkaan ka Akhriso Liiska Shaqaalaha Maxkamadaha Dalka oo Hal Beel u Badan
Halkaan ka Dhageyso Wiil Soomaaliyeed oo fashiliyey arrimo ku saabsan Garsoorka
Fadeexo_ Codad sira Wiilkii fashiliyay Lacagtii laga xadi ra
bay Bankiga dhexe oo shaqada laga eryay[Trim].mp4
Aqoonyahan Maxamed Bille Samaan
E-Mail Samaan@gmail.com