
Xildhibaannada Cusube ee Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa Maanta waxaa ay kulankoodii ugu horeeyey ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyaga oo doortay guddoomiye KMG ah.
Xildhibaannada Galmudug ayaa Guddoomiye KMGA ah waxaa ay Maanta u doorteen Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo ah xildhibaanka xilligaan ugu da’da weyn baarlamaanka Cusub ee Galmudug u badan dhalinyaro.
Kulanka Xildhibaannada Galmudug ayaa waxaa ay Maanta sidoo kale isaga soo xulayaan Guddi doorasho oo nidaamiya hanaanka ay u dhaceyso doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug.
Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Galmudug Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane ayaa waxaa uu xilka heyn doonaa ilaa ay xildhibaannada ka dooranayaan gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Wakiiladda Maamulkaas.
Dhinaca kale Gudiga doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa xog aan helnay tilmaamaysaa in uu ka kooban yahay 15 Xubnood oo ka kala yimid Ahlusunna iyo xildhibaanada kale ee odayaashu soo xuleen , 6 Xubnood waxaa qaatey Ahlusunna oo gudigga Ku yeelan doona halka 9 Xubnood ay noqon doonaan xildhibaanada kale ee Ka yimid dhanka beelaha .
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey,waxaana si dardar leh Dhuusamareeb uga socda u diyaar garowga iyo loolan adag oo loogu jiro ku guuleysashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.