Kenya oo danjire cusub usoo diraneysa Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya oo danjire cusub usoo diraneysa Soomaaliya

Mareeg.com: Baarlamaanka dalka Kenya ayaa meel mariyay safiir cusub ee madaxweynaha dalkaas, Uhuru Kenyata uu dhawaan u soo magacaabay dalka Soomaaliya, kaasoo ah, Lucas Tumbo.

Guddiga xiriirka caalamiga ah iyo difaaca ee dalka Kenya ayaa u arkay Mr Lucas Tumbo in uu yahay shaqsi u qalma xilkani cusub ee loo magacaabay, islamarkaana uu ka soo bixi karo waajibaadka loo idmaday, waxaana sidoo kale warkani lagu sheegay in Mr Lucas uu wax badan ku soo kordhin karo mustaqbalka dalka Soomaaliya.

Madaxa Gudigani xiriirka caalamiga iyo difaaca ee dalka Kenya ayaa sheegay in Lucas Tumbo uu yahay shaqsi u qalma xilka safiirnimo ee loo magacaabay.

Mr Lucas oo ka soo shaqeeyay dhowr wadan oo ay ku jiraan dalalka Ethiopia iyo Sudan, ayaa la filayaa inuu kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qasan, waxaana dhawaan Kenya ku dhawaaqday iney darbi isaga xireyso Soomaaliya, arrintaas oo ay dowladda federaalku aysan ku farxin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!