Baaritaano aan horey loo arag oo saaka ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho & wadooyin xiran * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baaritaano aan horey loo arag oo saaka ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho & wadooyin xiran

Ciidamada xasilinta amniga ee dowlada Soomaaliya ayaa saaka howlgalo aan horey loo arag ka wada qaar ka mid ah wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho.

Howlgalada ayaa lagu baarayaa gaadiidka, dadka iyo guryaha, waxaana aad u adag saaka in xaafadaha qaar la tago, iyadoo wadooyinka muhiimka ah ay xiran yihiin badankood.

Degmooyinka ay saameynta ku yeesheen howlgaladan saaka ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah, Waaberi, Xamar-weyne, Shingaani, Xamar Jajab, Shibis iyo xaafado kale.

Ciidamada ayaa si adag u baaraya xaafadaha qaar oo saaka wax dhaqdhaqaaq ah aysan ka jirin wadooyinka qaarna gaadiidka looma ogola iney maraan howlgalada socda awgood.

Waxaa howlgaladani ku soo beegmayaan xilli lagu guda jiro maalmihii ugu dambeeyey ee bisha Ramadaan, magaaladana laga dareemayo diyaar garowga Munaasabada Ciidul-fitriga oo maalmo kooban ay naga xigaan.

Howlgaladan culus ee saaka ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa u muuqda kuwo jawaab u ah weeraro & qaraxyo lagu hoobtay oo todobaadkii dhamaaday ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada kuwaasoo kii ugu dambeeyey shalay lagu weeraray saldhiga booliska Waaberi, ugu yaraan 50 ruux oo shacab u badan ayaa ku naf waayey qaraxyadaas halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!