Muqdisho – Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay munaasabad casho sharaf ah oo qeyb ka aheyd xeritaanka Kalfadhiga 3aad ee Golaha Shacabka loogu sameeyey xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu u sameeyey XIldhibaannada Golaha Shacabka ayadoo munaasabaddana ay kasoo qeybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Inta badan Xubnaha Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Taliyeyaasha Ciidammada qaarkood, howlwadeennada Golaha Shacabka iyo marti sharaf kale.
Bilowgii Munaasabadda waxa uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka u fasaxay dhammaanba madaxdii ka qeybgashay iney si toos ah usoo bandhigi karaan dhaliillaha jira si wax looga qabto waxaana furitaankii ka hadlay goobta Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo iyagu ka sheekeeyey marxaladihii lasoo maray Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka waxaana ay Xildhibaannadu uga mahad celiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka casho sharafta uu u sameeyey.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow iyo Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyaguna khudbaddo kooban ka jeediyey Munaasabadda ayaa u mahad celiyey XIldhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabka waxaana ay ku booriyeen xildhibaannada iney joogteeyaan la xisaabtanka Xukuumadda.
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isaguna khudbad kooban ka jeediyey Munaasabadda ayaa mahad celin iyo hambalyeyn uu Baarlamaanka ugu jeediyey qaabkii ay waajibaadkooda u guteen waxa uu sidoo kale ka hadlay tallooyin ay Xildhibaannadu soo jeediyeen uu u badnaa qorshaha Golaha Wasiirrada waxaana uu Ra’isulwasaaraha ballan qaaday in xubnaha Golaha Wasiirrada xafiisyadooda iyo deegaannadooda Caasimadda oo idil lagu baahin doono oo aysan degmooyin gaar ah ku shaqeyn doonin.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Abukaate Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf oo isaguna khudbad kooban ka jeediyey dhankiisa Munaasabadda ayaa xusay inuu aad ugu riyaaqay sida tooska ah ee ay Xildhibaannadu u kaftamayeen islamarkaana isugu soo bandhigayeen dhaliillaha jira waxaana uu Gudoomiyaha Maxkamadda Sare guubaabiyey hirgelinta isla xisaabtanka ee ay ballan qaadeen Xukuumadda iyo Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo munaasabadda soo xiray ayaa u mahad celiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana uu Gudoomiyaha Xildhibaannada u rajeeyey mudada fasaxa ah ee ay heystaan iney si dhab ah usoo ogaadaan baahida ay qabaan shacabka ay metelaan ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka Dalka.
Cashao sharafkaan ayaa kusoo beegantay kadib markii shalay baarlamaanka uu usoo xirmay kalfadhigii 3-aad, islamarkaana galkay fasax bil. Barlamaanka ayaa ka hor fasaxa meesha ka saaray xukuumaddii Saacid, wuxuuna ansxiyey Raysul wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed iyo xukuumadda uu soo dhisay.
Mareeg.com