Baaralamanka Jabuuti oo doortay gudoomiye cusub

Read Time:27 Second

Mareeg.com: Baarlamaaka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta doortay gudoomiye cusub kadib markii uu bishii hore ee Febaraayo uu geeriyooday gudoomiyihii golahaas, Idiris Arna’uud Cali.

Baarlamanka Jabuuti ayaa gudoomiye cusub u doortay Xildhibaan Maxamed Cali Xumud.

Gudoomiyaha cusub ee soo baxay waxaa la tartamay xildhibaan Zakariye Cabdillaahi, waxaana Maxamed Cali Xumud uu helay 61 cod, halka Zakariye Cabdillahi uu helay 2 cod oo kaliya.

Maxamed Cali Xumud oo noqonaya gudoomiyihii 6-aad ee baarlamaanka Jabuuti ayaa sheegay inuu ku dedaalayo sidii uu baarlamaanku ugu shaqeyn lahaa waddo sax ah.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.