
BAAQ – JUBBALAND
Ku: DOWLADDA FEDERAALKA
Ku: AXMED MAXAMED ISLAAM
Ku: ODAYAASHA DHAQANKA JUBBALAND
Ku: AMISOM (ETHIOPIA iyo KENYA)
Ku: BEESHA CAALAMKA, GAAR AHAAN UN, USA, EU iyo AU.
BAAQ
1. Waxaa ugu baaqaynaa dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si masuuliyad leh u wajahdo arrinta Jubbaland. Sida ugu fudud ee lagu qaabij karo inuu dhiigga shacabka Kismaayo ku daato waa in ay dowladda wada hadal la gasho Axmed Madoobe, kalana hadasho arrimaha Jubbaland masiirkeeda la xiriira.
Waa in ay dowladdu iska deyso qardajeexa iyo adeegsiga shaqsiyaadka ay ka barbar sameyneyso Maamulka Axmed Madoobe, kuwaas oo horseedi kara in uu dhiig ku daato Magaalada Kismaayo.
2. Waxaan ugu baaqaynaa Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) inuu furo irdaha wada hadalka, lana fadhiisto dowladda, iska daayo ka sii fogaanshaha dowladda dhexe ee dalka iyo marooqsiga talada Jubbaland, una ogolaado ciddii ay wax kala dhexeeyaan in ay talada qeyb ku yeelato.
3. Odayaasha dhaqanka deegaanada Jubbaland waxaan ugu baaqaynaa in ay arrinta si daacadnimo ah u farogaliyaan, kana hortagaan inuu halkaas dhiig ku daato.
Dhiig haddii uu daato kaddib wixii la xallin lahaa waa in ay odayaashu xalliyaan dhiigga inta uusan daadan ka hor, dadka talada ka dhexeysaana meel isugu geeyaan oo ay wadahadalsiiyaan.
4. AMISOM, gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay faraha kala baxaan arrimaha hoose ee Maamulka Jubbaland.
Ciidanka Kenya iyo Itoobiya waa in ay ku ekaadaan hawlaha ay dalka u joogaan ee ku qoran “Mandate-ka” AMISOM, wixii intaas ka duwan ee farogalin ah ee ay sameeyaan waxaa ay noqon doonaa xadgudub mar uun lagula xisaabtami doono.
5. Beesha caalamka, gaar ahaan UN, USA, EU iyo AU, waxaan ugu baaqaynaa in ay tallaabo ciqaab ah cid Allaale ciddii bilowda dagaal dhiig ku daato ama ku lug yeelata dagaal dad ah ku dhintaan.
Ugu danbeyn, waxaan rajeynaynaa in shacabka Kismaayo aan dhibaato loo geysan oo arrintu ku dhamaato wadahadal iyo xal.
Qore:- Suxufi iyo Qoraa abukar Albadri