BAAQ NABADEED: FADLAN DAGAALLADA TALEEX JOOJIYA!!! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

BAAQ NABADEED: FADLAN DAGAALLADA TALEEX JOOJIYA!!!

Mareeg.com-(Reg.No.1XCBLTDT:174/14)
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federal-ka ah ee Soomaaliya
Ku: Ra’isulwasaaraha Jamhuuriyada Federal-ka ah ee Soomaaliya
Ku: Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Federal-ka ah ee Soomaaliya
Ku: Dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Federal-ka ah ee Soomaaliya
Ku: Dhamaan Xubnaha Golaha Shacbiga Jamhuuriyada Federal-ka ah ee Soomaaliya
Ku: Maamulka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya “Somaliland”
Ku: Maamulka Khaatumo State ee Soomaaliya
Ku: Maamulka Puntland State ee Soomaaliya
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo Iyo naxariisina Nabigeena Maxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Intaa kabacdi, bulshooy dagaal wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho. Dagaal waxaa ku burbura hanti. Waxaa lagu huriyaa dhaqaale farabadan oo looga faa’ideeysan kari lahaa horumarka bulshada aadkan eey ugu baahantahay. Wadan dhowr iyo Labaatan sano burbur, barakac iyo dagaallo eey ragaadiyeen uma baahna maanta in kuwo cusub lasii galiyo. Dal iyo dad sidiisaba si eey u horumaraan waa in eey helaan Nabad, iyo Xasilooni (Peace and Stability). Waxaa wanaagsan in caqligu shaqeeyo. Saacad dagaal lagaliyo waa dib u dhac weyn oo dad ahaan iyo dal ahaanba ina soo wadagaarey.
Nasiibdarada! Ugu weeyni waa in wiilal aad u da’yar, fuqaro ah, kasoo wada jeeda reero sabool ah, aan fursad u helin in eey waxbartaan, shaqeeystaan, dhaqaale sameeyaan, oo horumarna gaaraan maanta dagaalladaa loo isticmaalayo, oo lagu baabi’inayo, kuwa u isticmaalayana wiilashooda dibada nabad iyo mustaqbal kawanaagsan ugu dakeeynayaan.
Meelaha lagu dagaallamo inta badan waa magaalooyin yaryar, tuulooyin iyo duur cidlo ah oo aan laheyn Isbitaallo, iska daa kuwo qalabkooda uu u dhameeystiranyahay oo guud ahaan wadankuba aanu laheyn manta. Goobahaa dagaal uma taagna Umbulance, kii dhintey wuuba dhintey (isagoo Muslim kale dilaya), ee kuwa dhaawacma intooda badan waxeey u dhintaan Dhiig-Bax. Intabadan dhaawacyada waaweyn ee halista ah ma aha kuwa dalka gudihiisa wax looga qabankaro, cidi wiilkaa dagaalka galiseeyna dibad uma qaadaan, oo qarashkaa xoogan iskuba dhibaane waxeey hoosta uga tuuraan waalidkii saboolka ahaa ee dhalay oo aan dhaqaalo uheyn daaweeyntiisa.Waxaa intaa kuusii dheer, Biri-mageeydada iyo Marrasta ku dhexbaaba’aysa.
Waxaan sidaa daraadeed baaq kal iyo laab ah u direeynaa dhamaan dhinacyada isku haya Taleex si eey si nabad ah xal waara ugu raadiyaan. Wadahadal, dib uheshiisiin iyo nabadeyn waa in lagu dhameeyaa khilaafka Taleex. Waa muhiim in shacabkan tabaaleeysan aan uwada naxno dhamaanteen, una wada horseedno dib u heshiisiin waarta oo soo afjarta dhammaan khilaafaadka soo jireenka ah ee degaankaas ka aloosan xaqiiqdiina ragaadiyey.
Waxaan aad uga wada walaacsannahay xaaladda ka soo cusboonaatay magaalada Taleex. Shacabka Soomaaliyeedna way kasoo wada daaleen khilaaf iyo dagaallo. Waxaa loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay khilaafkooda iyo kala aragti duwanaashahoodaba eey si nabad ah iyo wadahal ugu wada xallisan lahaayeen arimahooda, nabadeyntana fursad loo siinlahaa si loo gaaro marxalad aan caalamka kula tartami karno, isla markaana aan u istaagi karno sharafka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed. Taasna waxey ku imaan kartaa oo kaliya annagoo la nimaada biseyl siyaasadeed, isu dulqaadasho iyo istixgelin ku wajahan kala danbeyn iyo ilaalinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, aan idin wada xasuusiyee Soomaalidu waxeey leedahay dhaqan soo jireen ah oo geedka hoostiisa lagu dhameyn jiray waxii khilaaf ah ee jira.Waa muhiim in isagii aan uwada noqono, maxaa yeeley aad iyo aad beey inoo wada dhibeeysaa inaan arango dhiig hor leh oo ku daata si micno darro ah cadowga ummaduna uu kusii farxo, inagulana digto dhibkaa dhexdeena ah ee aan xallisan kariweeyney.
Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
Bare Jaamacadeed, ahna Maamule ku xigeenka qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalah ee Jaamacada Al-Madinah International University, Malaysia.
===DHAMAAD===

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!