Mareeg Media
Somalia

Baaq Loo Dhan yahay oo Xambaarsan Siro Culus, Qurba Joogta reer Galmudug

23

Mareeg.com-Qurbo joogta Galmudug waxay muddo dhawr bilood ah baaritaan cilmiyeysan oo siyaasadaysan ugu jireen xaaladda cakiran ee gobolkooda. Waxay dhibaatooyinka siyaasadeed ku eegeen indho fayow oo lagu daraasadaynayo dhinacyada kala duwna ee bulshada. Siro aad u culus oo mug-dhibaatayn wey leh ayey soo xaqiiqsadeen. Waxyaalaha ugu weyn ee ay soo heleen ee ay la qaybsanayaan bulshadooda ayaa waxaa ka mid ah kuwa hoos ku taxan:

  1. Madaxweynaha Galmudug, Mudane, Xaaf waxaa haysta dhib weyn oo ah maankiisa abab-koritaan iyo xaqiiqada jirta oo isku ah mudacyo is mudaya. Taasi waxa ay tahay sida soo socota:
  2. Xaaf waxaa reer Abti iyo reer ayeeyo u ah Reer Puntland. Intaa waxaa usii dheer in uu Abti Koris la tirsado yahay. Tan iyo caruurnimadiisii waxa uu maqli jiray Boqorka iyo reer Boqor. Maanta oo la joogo waxaa sida dhaqankiisa ka muuqata maskaxdiisa ka buuxa in aysan cid aan reer Puntland ahayni waxba maamuli karay iyo in ay waajib tahay in reer Puntland – siiba qaybo ka mid ah lagu xushmeeyo boqortooyo Rabbaani ah. Suurahaas aan salka ku fadhini waa mid salfaday umado badan oo uu madaxweynaha Galmudug- Xaaf ku jiro.
  3. Maanguurkaasi waxa uu dhaliyey in uu madaxweyne Xaaf isu aqoonsan waayo madaxweyne xukuma dawlad goboleed la siman dhigeeda Puntland. Waxa uu amar ka sugaa reer boqor beeleedka, beel daajiyeyaasha, iyo maamul goboleedka Puntland si ay ugu sheegaan sidii uu umaamuli lahaa Galmudug. Sidaa daraadeed waxa uu Galmudug hoos keenay Puntland.
  4. Dhanka kale waxa uu abuurtay colaad uu ka kasbaday dadka reer Galmudug halkii u nabad iyo adeecid ka kasban lahaa. Sidaa si la mid ah waxa uu iska dheereeyey dadkii waxtarka ahaa ee ka caawin lahaa horukicinta Galmudug ee ka koobnaa beelaha kala duwan ee dega Galmudug.
  5. Madaxweyne Xaaf waxa uu wiiqay ama saaxada ka eryey intii aqoon lagu tuhmayey ee reer Galmudug ahayd. Taasna waxaa ku dhaliyey labo arimood oo kala ah: in uusan aaminsanayn in ay reer Galmudug leeyihiin aqoon iyo khibrad ay dawladnimo ku hantaan iyo in uu diidan yahay in uu qof aqoon lihi ku soo baxo oo talada kala wareego.
  6. Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf waxa uu Galmudug ku hayaa Hagrasho aad u weyn oo ku salaysan in uu reer Galmudug u garbo duubo reer Puntland. Taas oo u muuqata in ay ku qotonto talo ka timid xagga Puntland waxaa u daliil ah sida uu u hortaagan yahay mashaariicda horumarineed ee laga wadi lagaa Galmudug isaga oo hawlfudueeya kuwa la damacsan yahay in laga fuliyo Puntland. Tusaale, waxa uu dadaal u galay sidii loo dhisi lahaa Dekedda Garacad oo hadafkeedu yahay si loo hor istaago dhismaha dekedda Hobyo. Hobyo waa mid ka mid ah dhawrka dekadood ee Soomaaliya ugu qadiimsan ugu qiimaha badan, ugu istaraatiijisan, ugu faca weyn, uguna ilbaxnimo fog. Laakiin Garacad weligeed xataa ma noqon deked macmil ah. Hobyo waa magaalo weyn oo qadiim ah, laakiin Garacad waa tuulo aad u yar una dad yar. Haddaba is hortaaga dhismaha iyo dayactirka dekedda Hobyo iyo dhiiri gelinta deked hor leh oo laga dhiso Garacad waa khayaano qaran ee kuma eka khayaano heer goboleed ama beeleed.
  7. Madaxweynaha Galmudug, Mudane Xaaf waxa uu ganacsi xaaraan ku naaxnimo ku dhisan la leeyahay Ex. Madaxweyne Puntland, mudane Cabdiweli Gaas. Labada nin waxaa ka dhexeeya gaanacsi ku salaysan in uu ninba dhanka uu joogo iyo awoodda uu leeyahay ku sameeyo dhaqaale aad u ballaaran sida ugu degdegsan. Waxa ay isla leeyihiin Wershadda Samaysa Lacagta Been Abuurka ah (money laundry factory). Wershadaas waxaa lagu sameeyaa lacagaha bugta ah ee isugu jira shilin Soomaali iyo US Dollar. Kuwaas oo lagu isticmaalo gudaha iyo dibadda Soomaaliya, looguna taalo galay in loo adeegsado kharashaynta siyaasadda.
  8. Madaxweynaha Galmudug, Mudane Xaaf waxaa wershadda noocaas iyo kuwa la midka ah baray oo ay ku wada shaqaysna jireen Ex Qabqable Dagaal Caato oo aqalka Say Biyaano ku lahaa wershad samaysa Rasaasta. Wershaddaas waxaa markii dambe la wareegay Xaaf. Xaaf waxa uu markaa ka hor shirkad la ahaa Ex Qabqable dagaal Qanyare oo ay shirkad ku ahaayeen labo ilood oo dakhli abuur; Beero Daroogo iyo Gurashada Khayraadka Badda sida Libaax badeed, iwm.
  9. Madaxweynaha Galmudug, Mudane Xaaf ma lahan wax aqoon, khibrad, karti, garawsho, daacadnimo, iyo naxariis ah oo loogu doorto ama loogu sii aamino hogaaminta gobolka Soomaali ugu qirada weyn, ugu qabiilada badan, ugu qaylo iyo buuq badan, uguna dagaal kicin nugul. Xagga aqoonta, meel uu wax ku bartay lama hayo, xagga kartida, waqtigiisa inta ugu badan waxa uu ku lumaa belwad iyo baashaal, xagga khibradda, waxa keliya ee uu yaqaan waa wixii laga bartay 30 kii sano ee dagaallada sokeeye, xagga daacadnimada, waa nin u daacad ah gobolka Puntland oo ah mid ay xurguf iyo xifaaltan kala dhexeeyaan Galmudug, xagga garawshaha iyo naxariista waa mid uu dhaqankiisu si wacan oo waadix ah u tilmaamayo ayna adag tahay in dib loo wanaajiyo.
  10. Dhibaatooyinka gaamuray ee ragaadsaday Galmudug waxay kulligood salka ku hayaan siyaasadaha gurracan ee tan iyo muddo hore ay isku haysteen shakhsiyaad dhawr qof ah oo ka dantooda ka hor mariya danta guud ee bulshada. Shakhsiyaadkaas oo sita magaca siyaasiyiin waxaa dhab ahaan la oran karaa qabqablayaal silloon oo aan waxba ka yaraysan qabqablayaalkii dagaal ee dalka ka jiray wixii ka horeeyey shanti sano ee ugu dambaysay. Marka dhaqankooda iyo aqoontooda lala barbar dhigo macnaha dhabta ah ee siyaasad.
  11. Ugu dambaystii, waxa aan, inaga oo ah ama ku haadlayno codka Qurbo joogta u dhalatay Galmudug, ka codsanaynaa Madaxweyne Xaaf in uu si Sharaf iyo qadarin leh isu casilo maadaama uu si dhab ah ugu fashalmay xilkii loo igmaday. Waxaa dhabowday in uu xilkaasi ka weyn yahay ninka loo dhiibay. Haddaba si aan u badbaadino da’ yarta soo koraysa ee reer Galmudug iyo danaha guud ee beelaha aad ka u tirada badan ee wada dega dalka Galmudug waa in la helaa madaxweyne jagadaas lagu aamini karo.
  12. Waa in uu madaxweynihii xilka lagaga guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud oo halkii laga filanayey in uu sidii oday Soomaaliyeed oo lagu soo hirto u dhaqmo, hada ku jiro olole jabhadeed, uu faraha kala baxaa arimaha u gaarka ah Galmudug. Waxaa muuqata in uu sidii waagii uu madaxweynaha ahaa u qasayey uu weli ku hayo maamul gobolkeedka.
  13. Waa in ay odayaasha beelaha Galmudug isugu yimaadaan shir degdeg ah oo ay ku dooranayaan madaxweyne lagu aamini karo masiirka Galmudug. Maanta Galmudug waxay si muuqata uga hartay asaageed waxayna taallaa meel ay adag tahay in laga soo celiyaa.
  14. Waa in ay aqoonyahanada u dhashay Galmudug ee ku kala firirsan daafaha dunidu dib usoo daneeyaan dalkooda ogaadaana mas’uuliyadooda.
  15. Waa in marka uu Xaaf ka tago xaafiiska oo u fasaxo in uu xaafiisku bilaabo hawshii loo xaafiiseeyey la siiyo ixtiraam iyo mudnaan madaxweyne si uu dalkiisa ugu sii dhex noolaado isaga oo ku sharfan.

Waxaan rajaynaynaa in aan cidina qaraarkeena aayo ka-talineed u qaadan wax lagu xumaynayo qof ama qolo. Dhanka kale, waxaan rajaynaynaa in ay dhammaan qaybaha bulshada ee talooyinku khuseeyaan bilaabaan hawlgal arintaan ku aaddan.

Wada Shaqayn Wacan

Mahadsanidin

 

 

 

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!