Baabuur Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo Muqdisho laga baadi goobayo

Read Time:50 Second

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Nabad sugida iyo booliiska ayaa baadi goob xoogan ugu jira labo baabuur oo la sheegay in waxyaabaha qarxa saaran yihiin, kuwaa oo la tuhmayo ay ku jiraan magaalada Muqdisho.

Ilo sirdoon ayaa laga soo xigtay in ay jiraan labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lasoo galiyay magaalada Muqdisho , waxaana heegan la geliyay ciidanka amaanka kuwaa oo baadi goob ugu jira gaadiidka la tuhmayo.

Al Shabaab ayaa la sheegay in ay qorsheenayaan in weeraro is qarxin ah ka fuliyaan magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada amaanka ee ka howlgalada caasimada la geliyay feejignaan dheeri ah iyagoona si xoogan u baaraya gaadiidka kala duwan.

Ciidamada amaanka ayaa xaafado katirsan magaalada Muqdisho kawada baaritaano lagu xaqiijinayo amaanka, waxa ayna ciidamada Xasilinta howlgalada ay wadaan uu yahay mid si weyn uga duwan kuwii hore.

Qaraxyada ismiidaaminta iyo weerarada ay Al Shabaab ka geesan jireen magaalada Muqdisho ayaa aad u yaraaday tan iyo markii Ciidamada Xasilinta ay howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka ka bilaabeen magaalada Muqdisho.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %