Axsaabta Somaliland oo ka wada hadlaya khilaafka ka dhashay muddo kordhinta xukuumadda Siilaanyo

Read Time:1 Minute, 1 Second

Hargeysa: Magaalada Hargeysa waxaa si rasmi ah uga furmay wadahadallo u dhaxeeya xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID iyo xisbiga taladahaya ee KULMIYE iyo xukuumadda oo isku dhinac ah.

Shirka waxaa Furay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici.

Saylici oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka kulankan wuxuu sheegay in uu ku kalsoonyahay in hogaamiyayaasha mucaaradka iyo muxaafidba ay ku heshiin doonaan wax u dan ah Somaliland oo khilaafka lagu soo afjaro.

Wada hadalladan waxaa dhinaca xisbiga talada haya hogaaminaya gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, dhinaca xisbiyada mucaaradka ee WADDNI iyo UCID waxaa hogaaminaya labada gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Wadahdaladan ayaa dabo socda baaq uu madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo mucaaradka kaga dalbaday in gogol nabadeed la isugu yimaado si loo dhammeeyo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta 22 bilood ah ee dhowaan guurtidu u samaysay madaxtooyada iyo golaha wakiilada.

Golaha Guurtida Somaliland, fadhi Goluhu Guurtidu uu 11-kii bishaan May ku yeeshay Hargeysa, ayuu ku go’aamiyay in Xukumadda iyo Wakiilada loo kordhiyo muddo dhan 1 sanno iyo 10 bilood.

Muddada Madaxweynaha iyo wakiilada ayaa ku eekaan doonta 27-ka April 2017, sida Golaha Guurtidu go’aamiyey, waxaana arrintaas aad uga carooday xisbiyada mucaaridka ah ee WADANI iyo UCID.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.