Axsaabta Mucaaridka Somaliland Oo Raba Iney Saxaan Maamulka Siilaanyo

Read Time:1 Minute, 6 Second

Hargeysa – (Mareeg.com): Labada xisbi mucaarid ee WADANI iyo UCID ee maamulka Somaliland ayaa si wada jira ah ugu dhawaaqay guddida qaban qaabada shirweyne qaran oo looga hadlayo toosinta, kaasoo ay hore ugu wareejiyeen Madasha la magic baxday Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.

Shir sadex geesood ah oo maanta ku dhex maray hogaamiyayaasha labada xisbi mucaarid iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa layskula qaatay in la hir geliyo guddida qaban qaabada shirweynaha qaran ee lagaga wada hadlayo xaladaha guud ee Somaliland mareyso.

Xisbiga mucaaridka ah ee WADANI ayaa hore u magacaabay xubnaha u matali doona guddida qaban qaabada shirweynahaas, kuwaas oo ka kooban 6 xubnood oo uu soo magacaabay gudoomiyaha xisbigaaas Cabdiraxmaan Ciro.

Xubnaha xisbigaasii so magacaawaday ayaa kala ah: Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Dr.Maxamed Cismaan Fadal, Xasan Xuseen Faarax(Codyare), Xildhibaan Baar Siciid, Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte).

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa isaguna dhinaciisa maanta ku dhawaaqay xubnaha u matali doona guddida qaban qaabada shirweynahaas, kuwaasoo kala ah: Faadumo Siciid Ibraahin, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, Cabdinaasir Yuusuf Cirro, Axmed Maxamed Diiriye, Aadan Cali Yoonis iyo Maxamed Mahdi Buubaa.

Xukuumadda Somaliland ayaa diidan shirka ay ku baaqeen labada xisbi mucaarid ee WADANI Iyo UCID iyo madasha wada-tashiga, kuwaasoo sheegaya iney qabanayaan shir lagu toosinayo wax ay sheegeen in laga khalday maamulka Somaliland.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %