Axmed Siilaanyo oo bil gudaheed markii labaad isku shaandheeyey Golaha Wasiirada Somaliand * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Axmed Siilaanyo oo bil gudaheed markii labaad isku shaandheeyey Golaha Wasiirada Somaliand

Mareeg.com: Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa bil gudaheed isku shaadhayn ku sameeyay golihiisa wasiirada iyo hay’addaha kale ee dawladda maamulkaas.

“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3082/032015, uu ku magacaabay saddex wasiir, laba wasiiru-dawle, agaasime guud, Gudoomiyaha banka dhexe, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka hawd iyo Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha, isla markaasina xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday saddex masuul oo kale” ayaa lagu yiri digreetada Siilaanyo.

Silaanyo ayaa sidoo kale sheegay in markuu arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirada Wasaaraddaha Warshadaha, Waxbarashada, Beeraha, iyo Wasiiru-dawlayaasha Wasaaraddaha Macdanta iyo Tamarta, iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland uu magacaabay mas’uuliyiinta hoos ku xusan.

1- In Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), uu yahay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

2- In Mudane, Shucayb Maxamed Muuse, uu yahay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee Somaliland.

3- In Mudane, Maxamed Aw Daahir Ibraahin, uu yahay Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Somaliland.

4- In Mudane, Maxamed Faarax Ducaale, uu yahay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

5- In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Biyaha Somaliland.

6- In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland.

7 In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Cali, uu yahay Guddoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland.

8 In Mudane, Cismaan Cabdilaahi Hirad, uu yahay Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

9 In Mudane, Warsame Faarax Ibraahin, uu yahay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hawd ee Somaliland.

Axmed Siilaanyo ayaa xilalka ka qaaday mas’uuliyiinta hoos ku xusan, kuwaasoo kala ah:-

1- Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL

2- Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Hawd ee JSL
3- Dr. Cismaan Xuseen Warsame, Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka .

“Walaalayaal Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Hawd iyo Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi aad hayseen Masuuliyiinta kor ku xusan ee aan xilalkaa iyaga ah u magacaabay” ayuu yiri Siilaanyo.

Axmed Siilaanyo ayaa 7-dii bishaan Febaraayo isku shaandheyn ku sameeyey golaha wasiirada, waxaana xukumadaas iska casilay labo wasiir oo kala ahaa C/caziiz Maxamed Samaale oo loo magacaabay wasiirka waxbarashada iyo Abiib Diiriye Nuur oo loo magacaabay wasiirka Warshada.

Madaxweynaha xilligaan ee maamulka Somalilad, Axmed Siilaanyo ayaa wuxuu leeyahay mucaarid labo xisbi ah iyo mucaarid kale oo kaga yimid gudaha xisbigiisa Kulmiye.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!