
Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Siilaanyo iyo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi ayaa manta sheegay iney si kama dambeys ah uga heesheeyeen khilaad bilihii lasoo dhaafay ruxay xisbiga ay ka wada tirsanaayeen.
Shirkii Golaha wasiiradda Somaliland ee Khamiista Maanta ah ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kaga dhawaaqeen in xal kama dambeys ah laga gaadhay Khilaafkii Xisbiga Kulmiye ee mudada jiitamayay.
Gudoomiyaha Kulmiye, Muuse Biixi oo shirka wasiirada ka soo qayb galay ayaa sheegay in Loolankii xisbigu dhamaaday.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu horayn ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay in isaga iyo Muuse ku heshiiyeen Qodobadii Guddida Golaha guurtidu hore uga soo saartay Khilaafka Kulmiye.
“Waxaa maanta inoo sharaf ah in Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, halkan inala joogo, waxaan jecelahay inaan idiin sheego in Aniga iyo Gudoomiyuhu aanu wada heshiinay, Sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in Xukumad iyo Xisbi ahaanba aynu u wada shaqayno si niyad sami ah. Waxaanu ku wada heshiinay Go’aamadii Guurtidu ka soo saartay Khilaafkii Xisbiga Kulmiye.” ayuu yiri Siilaanyo.
“Ugu dambeyntii waxaan u baahannahay inaynu Midnimo iyo isku duubni iyo isku tiirsanaan kuwada shaqayno Xisbi ahaan iyo Xukumad ahaanba” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegay in Loolankii xisbiga Kulmiye galay uu dhamaaday, wakhtigana ay tahay in midnimada xisbiga laga shaqeeyo xukumad ahaan iyo Xisbi ahaanba.
“Farriinta aan Idiin hayaa waa intaa Madaxweynuhu idiin sheegay.Xisbigan waxa soo maray Loolan Siyaasaddeed, waa caadi oo xisbiyadu way loolamaan dhexdooda, marka la loolamana waxaa ka dhasha Xajiin, Xanaf baa ka dhalata, waxaa loo baahan yahay inaynu Xisbigii ka saaro Xajiintii,la isla doonto oo Nin waliba dib u heshiisiin galo” ayuu yiri Muuse Biixi.
Gudoomiye Muuse Biixi oo la hadlaya Golaha wasiirada ee uu Shirkooda Khamiista joogay waxa uu yidhi “ Qoladiina Xukumadda xil gooni ah ayaa idin saaran.Intiinani waxaad ahaydeen intii Madaxweynaha taageeraysay ee aniga iga soo horjeeday, Dee Waad Naga Adkaateen, Mahadsanidna namaydaan odhan, waliba waa noo sii cadhoonaysaan Qoladiina xukumaddu”
Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu intaasi raaciyay “Waxa la doonayaa inaad Xisbigii doontaan oo isla doonataan oo dib u heshiisiin Xisbiga dhexdiisa ah aynu galno, si Xisbigu halkan uga dhaqaaqo. Intaan idiin hayay waa intaas, Raggii kale sidaas ayaan kaga wakiil ahay, Nin walba waa Kulmiye, Nin waliba Kulmiye Guushiisa ayuu doonayaa, Xisbigu inuu hagaago ayaa la doonayaa. Qoladiinan Xukumadu Xisbigu wixii uu dhalay idinkaa haya oo Dawladnimadii idinkaa haya, Madaxweynuhuna intiinan ayuu ka doortay Dadka, xilka ugu waynina idinkuu idin saaran yahay sidii aad xisbigii iskula raadsan lahaydeen”.
Axmed Siilaanyo oo ah madaxweynaha maamulka Somaliland oo horay usoo noqday gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, kursiga madaxweynasha kusoo fuulay xisbigaas iyo Muuse Biixi oo haatan ah gudoomiyaha xisbigaas ayaa isku qabsaday cidda u tartameysa doorashada soo socota.
Mareeg Media