
Read Time:18 Second
Kismaayo ( Mareeg News) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhalinta Ubaxa Nabada Jubbaland kala qayb qaatay qurxinta iyo Calaamadaynta wadooyinka Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa dhalinyradan is xilqaamay ku booriyay dadaal kooda qaybta ka ah dib u dhiska wadanka iyo soo celinta bilicda Magaalada isagoo sheegay in ay qayb muhiim ah ka tahay isku tashiga dadweynaha.