Muqdisho – (Mareeg.com): Hoggaamiyaha maamulka KMG-ka ah ee Jubba oo ku sugan Muqdisho, kana qeybgelaya shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka iyo Gedo oo maalintii 3-aad ka socda Muqdisho ayaa soo jeediyey in dadkaa deegaanadaas is cafiyaan, islamarkaana isaga isaga leyska cafiyo.
Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo ka hadlayey xaflad uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho ka socda uuna filayo in shacabka Jubbooyinka ay ku gaaraan xal nabadeed oo waara.
“Anigu qof walba oo wax iga sheegay waan cafiyay, aniguna waxaan doonayaa in la I cafiyo, waayo wax badan baa iga dhacay,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo xusay inay dib ugu laaban doonaan Kismaayo iyagoo gacmaha is-haysta.
Hoggaamiyaha Jubba ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo inay isugu keenaan Kismaayo gabi ahaan maamullada gobollada dalka oo dhan si uu u dhexmaro wadahadal iyo is-afgarad.
Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo kula dagaalamay maleeshiyo beeleedyada kasoo jeeda inta badan beelaha ku nool gobolkaas, taasoo keentay in maamulka uu hogaamiyo uusan kalsoni ka heli dhamaan beelaha halkaas dega.
Mareeg.com