Axmed Madoobe Oo Taagersan In Maamul Ka Kooban Saddex Gobol Lagu Dhiso Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Axmed Madoobe Oo Taagersan In Maamul Ka Kooban Saddex Gobol Lagu Dhiso Baydhabo

Kismaayo – Mareeg.com: Hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa taageeray mid ka mid ah labo shir oo dhawaanahan iska barbar socday magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay.

Axmed Madiibe oo shirjaraa’id oo uu ku qabtay Kismaayo ayuu taageeray shirka lagu dhisayo maamula ka kooban 3 gobol oo kala ah: Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeyo walaalaheena Baydhabo fadhiya ee dhisaya Maamulka saddexda gobal ee shalay dastuurka ansixiyay, waxaan leeyahay Hambalyo” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa qaba in haddii la dhiso maamul goboleedyada dalka oo dhan, taasi suurgal ka dhigi doonto inuu hirgelo nidaamka federaalka ah.

Shirka uu taageeray Axmed Madoobe waxaa kazoo horjeeda shir kale oo isla Baydhabo ka socda, kaasoo lagu dhisayo maamul la doonayo iney hoosyimaadaan 6 gobol oo kala ah: Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubada Hoose, Juda Dhxe iyo Gedo.

Saddexda gobol ee dambe ee kala ah: Jubada Hoose, Juda Dhxe iyo Gedo waxaa u dhisan maamulk KMG ah oo lagu magacaabo Juba, islamarkaana uu madax u yahay Axmed Madoobe, waxaana maamulkaas aqoonsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogol in shirka Baydhabo lagu dhiso maamul 3 gobol oo kala ah: Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waxaana madaxweyne Xasan horay uga dhawaajiyey ineysan soo dhaweyneyn doonin maamul duminaya maamul horay u dhisnaa.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!