Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho iyo soo dhaweyn loo sameeyay

Read Time:43 Second

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano, Wasiiro, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Madaxweynaha Jubbaland ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa degi doona xeyndaabka Garoonka oo loo diyaariyay, waxaana duhurnimadii Maanta Caasimadda soo gaaray Ciidanka Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha.

Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ayaa saddex jeer baaqday, waxaana maamulada Jubbaland iyo Puntland ay shuruudo adeg ku xireen ka qeyb galka shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.