Kismaayo, Mareeg.com: Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed “Madoobe” ayaa sheegay inuu dhawaan soo magacaabayo gole wasiiro oo uu yeesho maamula uu hogaamiyo.
Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiiradu diyaarsan yihiin.
“D howaan ayaan soo magacaabi doonaa xubnaha golaha Fulinta, si shaqadu u socoto” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa odayaasha Jubooyinka ugu baaqay iney soo xulaaan xubno baarlamaan oo uu yeesho maamulka Juba, wuxuuna yiri “Odayaashu waa inay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka, si shaqada loo sii wado”.
Axmed Madoobe oo intii uu hadlayey soo hadal qaaday shirka ka socda Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay oo lix Gobal oo Koonfurta Soomaaliya maamul loogu sameynayo, ayaa wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan cid waliba oo dhisanaysa maamul wixii ay ku caawin karaana ay lagarab taagan yihiin.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan jirin cid ay la dagaalsan yihiin, hadii ay yihiin Maamulka Jubba, waxaana uu ka dhawaajiyay in hadafkooda yahay inay ku wada noolaadaan nabad.
Mareeg.com