Axmed Madoobe Oo Magacaabay 8 Wasiir Iyo Madaxweyne Ku Xigeen (Akhri Magacyada)

Read Time:1 Minute, 6 Second

Kismaayo, Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa saakay shaaciyey qaar ka mid ah xubnaha golaha fullinta maamulkaas, iyadoo arrintaas lagu baahiyey dikereeto kazoo baxday xafiiskiisa.

Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar oo warbaahinta u akhriyay dikreetada ayaa sheegay in magacaabista lagu saleeyay nidaamka awood-qeybsiga ee beelaha dega deegaannada hoos taga maamulka.

Tirada guud ee wasiirrada maamulka ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo ilaa 15 xubnood, iyadoo uu dhowaan madaxweynuhu soo dhameystiri doono tirada hartay.

Cabdinaasir Seeraar ayaa tilmaamay in uu sidoo kale madaxweynaha magacaabay madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba oo loo magacaabay Suldaan Cabduqaadir Maxamed (Luga-dheere), iyadoo madaxweyne ku xigeenka koowaad uu ahaa Jen. C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Magacyada xubanah uu maanta magacaabay Axmed Madoobe

1- Suldaan C/qaadir Maxamed (Luga-dheere), madaxweyne ku xigeenka 2-aad.
2- Axmed C/xafiid Maxamed, Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha.
3- Prof. Maxamed Aadan Jaamac, Wasiirka beeraha, xoolaha iyo kaluumeysiga
4- Maxamed Ibrahim Maxamuud, Wasiirka arrimaha bulshada.
5- Xasan Daahir Yarow, wasiirka caafimaadka iyo Fayo-dhowrka.
6- Maxamed Nuur Iftin (Shamabara), Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah.
7- Maxamed Warsame Faarax (Darwiish), Wasiirka arrimaga gudaha iyo amniga.
8- Maxamed Sheekh Yusuf Cumar, Wasiirka Maaliyadda.
9- Cabdinuur Cali Aadan, Wasiirka Macdanta, biyaha iyo bay’ada.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %