
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daah furay shirka wasiirada Maaliyada dalka oo diirada lagu saarayo maaraynta miisaaniyada dadweynaha iyo hanaanka dayn cafinta dalka.
Madaxweynaha ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in dalkeena laga cafiyo daynta uu aduunku ku leeyahay si ay usoo noqoto sharaftii iyo hufnaantii hanaanka maaliyada dalka taas oo ah wax mudo ay sugayeen shacabka soomaaliyeed.
Shirka waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada,waxaana uu kusoo aadayaa xilli uu weli jiro khilaafka u dhaxeeyo Dowladda iyo Maamulka Jubbaland.