Axmed Madoobe Oo Kismaayo Geeyey Qaar Ka Mid Ah Raggii La Dagaallamay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Axmed Madoobe Oo Kismaayo Geeyey Qaar Ka Mid Ah Raggii La Dagaallamay

Kismaayo – Mareeg.com: Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe ayaa ku guuleystay inuu shalay Kismaayo geeyo qaar ka mid ah siyaasiyiin horay halkaas ugula dagaallamay kadibna Muqdisho soo gaaray kagadaal markii ciidamada Axmed Madoobe ku adkaadeen dagaalka.

Wafdi uu hogaaminayo Axmed Madoobe iyo qaar kamid ah siyaasiyiintii kasoo horjeeday maamulkiisa islamarkaana mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa shalay lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugaan magaalada Mqudisho, isagoo u yimid ka qeybgalka aaskii Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo jimcihii lagu aasay Muqdisho.

Wuxuu Axmed Madoobe uga faa’iideystay imaanshaha Muqdisho iney Kismaayo u raacaan labo ka mid ah raggi kula dagaallamay halkaas, hase ahaatee uu xooga uga saaray kadibna la keenay Muqdisho.

Tegsita siyaasiyaantaaan ee Kismaayo ayaa qeyb ka ah heshiis horay Muqdisho ugu dhexmaray maamulka Axmed Madoobe iyo siyaasiyiintaan, kaasoo dowladda Soomaaliya garwadeen ka aheyd.

Siyaasiyiinta Kismaayo gaaray ee la socday Axmed Madoobe ayaa waxaa kamid ah Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen, oo kamid ahaa dhinacyadii magaalada Kismaayo kula dagaalamay maamulka Jubba.

Wafdigan ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba, waxgarad iyo siyaasiyiin kale.

Shir jaraa’id ayay si wadajir ah hoolka nasashada garoonka diyaaradaha Kismaayo ugu qabteen madaxweeynaha maamulka Jubba iyo xubnihii wehlinayayay, waxaana ugu horeeyay goobta ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Jen. Fartaag, kaasoo wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

Madaxweeynaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay kasoo qeybgaleen aaskii Ra’isul wasaarihii hore ee dalka C/risaaq Xaaji Xuseen, wuxuuna xusay in safarkoodii uu ahaa mid ay waxyaalo badan kasoo faa’iideen.

Masuulkan ayaa xusay in ay hore usoo raaceen siyaasiyiinta kala ah Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen oo uu sheegay in ay hore u wada gaareen heshiis balse ay maanta suurogashay in ay dib ugu soo laabtaan gobolka.

Waxaa isna goobta ka hadlay Cabdi Baaleey Xuseen, kaasoo sheegay in magaalada Kismaayo ay u yimaadeen sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen nabadda iyo dhismaha maamulka Jubba, wuxuuna kula dardaarmay siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubooyinka in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo sidii ay xallin lahaayeen waxyaabaha khilaafka keenay.

Waxaa weli heshiiskaan ka maqan Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ka mid ahaa raggii Axmed Madoobe kula dagallamay Kismaayo, kaasoo ciidamo ku heysta meel ka baxsan magaalada.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!