
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogagaminayo ayaa Maanta waxaa ay gaareen Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka,halkaas oo siwyen loogu soo dhaweeyey.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaan ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
u jeedada wafdiga Axmed Madoobe u tegay Boosaaso ayaa waxaa lagu sheegay inay halkaasi kulan wadatashi ah oo ay looga hadli doono xaalada siyaasadeed ee dalka & Arrimaha doorashooyinka soo socda.
Waa safarkii ugu horeeyey ee Axmed Madoobe uu ku tago deegaannada Puntland tan iyo markii dib loo doortey,waxaana safarkiisa oo qaadan doono muddo saddex Cisho ah uu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaan Madaxda Maamulkaass & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Boosaaaso.