Axmed Madoobe & Amisom “Waxaa la gaaray xiligii Alsabaab lasoo afjari lahaa” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Axmed Madoobe & Amisom “Waxaa la gaaray xiligii Alsabaab lasoo afjari lahaa”

Mareeg.com: Saraakiisha ciidanka Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan magaalada Kismaayo iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe ayaa ka wadahadlay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in la gaaray xilligi kama dambeysta ahaa ee Al-Shabaab laga saari lahaa dhammaan deegaannada uu ka taliyo maamulkiisa, ayna diyaariyeen ciidankii howlgalladaas fulin lahaa.

Madaxa howlgalka ciidanka AMISOM ee Kismaayo Jeneral Aliyow Gambe ayaa dhankiisa soo dhaweeyay in la sameeyo howlgal Al-Shabaab looga saarayo Jubbooyinka.

Jen. Gambe ayaa bulshada ka codsaday in ay taageeraan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in awooddii ururkaas la wiiqay dhowaanna la ciribtiri doono, sida uu yiri.

Howlgal ka dhan ah Alshabaab ayaa dhawaanahan ka socday gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxaana Jubooyinka mar kasta maamulka u hanjabaa Alshabaab.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!