Axmed Fiqi “Dalka si kaloo wax looga bedeli karo ma leh, ilaa Villa Somalia wax laga bedelo” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Axmed Fiqi “Dalka si kaloo wax looga bedeli karo ma leh, ilaa Villa Somalia wax laga bedelo”

Amb. Axmed Macalin Fiqi oo ahaa musharaxii looga guuleystay doorashadii Madaxweynaha Galmudug ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacday degmada Cadaado ayaa sheegay in is bedel la sameeyo ay ku xiran tahay hogaanka dalka.

 

Isagoo ka hadlayay xaflad shalay ka dhacday degmada Cadaado oo lagu sagootinayay, ayaa ka mahad celiyay taageeradii uu ka helay shacabka intii uu socday ololaha doorashada, waxaana uu u hambalyo u diray hogaanka Maamulka cusub ee Galmudug.

 

Axmed Fiqi ayaa sheegay inuu dib ugu laaban doono Gobollada Dhexe, isagoo xusay in howsha ay hada kow tahay, waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada, haweenka iyo bulshada inay is abaabulaan.

 

“Howsha hada ayay kow tahay, waxaa u imaan doonaa howlo gaar noo ah, howlo dalka iyo dadka samata bixintooda ah 2016 wixii ka dambeeya ayaa Gobollada Dhexe ku soo laaban doonaa”ayuu yiri Amb. Axmed Fiqi

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay muhiim tahay inuu is bedel uu ka dhaco Villa Somalia oo uu ugala jeeday hogaanka dalka.

 

“Dalka si kaloo wax looga bedeli karo ma leh, illaa Villa Somalia wax laga bedelo”ayuu yiri Amb. Axmed Macalin Fiqi oo la sheego inuu saaxib dhow la yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif.

 

Siyaasiyiin iyo dad badan ayaa xusul duub ugu jira sanadka 2016, xilligaasoo uu waqtiga ugu ek yahay dowladda hada jirta, waxaana sanadka soo socda la rajeynayaa in dalka doorasho ka dhacdo.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!