Axmad Madobe iyo Shariif Xasan lagu heshiisinayay oo Muqdisho ka furmay

Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa goor barqadii ahayd ee Maant u duulay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Madaxwayne Amed Madoobe ayaa la sheegay in uu Magaalada Muqdisho kulan Albaabada u xiranyaha kula qadan doono Madaxwaynaha Koonfurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan.

Kulanka Axmed Madoobe iyo shariif Xasan ayaa si rasmi ah u cadayn waxyabaha ay kawada hadli donaan labadaan Masuul.

Sidoo kale warar hoose ayaa sheegayo in Kulanka Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan uu Sadaxeen doono Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Warbaahinada Afsoomaaliga Wax ku qoro ayaa Mudooyinkii danbe baahinayay in Madaxwaynaha Koonfurgalbeed Soomaaliya uusan ka qayb gali doonin Shirka Madasha Wadatashiga ka furmi doono Magaalada Kismaayo.

Madaxwaye Axmed Madoobe ayaa la filaya in uu galinka danbe ee Galabta uu dib ugu laabto Magaalada Kismaayo

Dhanka kale waxaa iyadana Saaka aad loo adkeeyay Xarunta uu Shirka Madasha Wadatashiga ka furmi doono ee Magaalada Kismaayo waxaana lagu arkayay Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Amisom oo aad Xarunta Amnigeeda u ilaalinaayo.