Australia oo xakameyneysa soogalootiga kadib weerarkii baarki Sydney * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Australia oo xakameyneysa soogalootiga kadib weerarkii baarki Sydney

Mareeg.com: R/wasaraha dalka Australia, Tony Abbot, ayaa sheegay inay wax ka badalayaan shariciyda socdaalka ee dalkiisa.

Warka kasoo yeeraya RW Abbot ayaa kadanbeeyay kadib markii warabixin laga soo saaray shilkii ka dhacay December 2014 ee nin Iraani ah uu weeraray maqaayad ku taal Sydney, halkaas oo laba qof iyo ninkii hubaysnaa ku dhinteen.

Ninka dablayda ahaa ayaa kasoo haajiray Iran, danbiyo horena ku galay Australia. Raiisalwasaaraha ayaa sheegay in ninkaasi aanay ahaynba in isagoo kale loo ogolaado dalka Australia.

Ra’iisal wasaare Tonny Abot, ayaa sheegay in weerarkii maqaayada sababi doonto in la adkeeyo dal ku galka, dhalasha bixinta iyo damaanad ku sii deynta dadka la tuhmo ee dalkaasi.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in in ka badan 10 wicitaan oo ku saabsan ninkaan xagjirka ahaa in ay soo gaareen xarunta dhexe ee hay’adda ammaanka qaranka, ka hor inta uusan 18 qof ku afduuban maqaayada kafeega.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More