Australia oo kamid Noqotay dalalka eryaya diblumaasiyiinta Ruushka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Australia oo kamid Noqotay dalalka eryaya diblumaasiyiinta Ruushka

muqdisho (mareeg News) Rai’sul wasaaraha Australia, Malcolm Turnbull ayaa sheegay in ficilka Moscow uu ahaa weerar ka dhan ah dimuquraadiyadda iyo madaxbanaanida dal kasta.

” Waa weerarkii ugu horreeyey Yurub dhexdeeda ee loo adeegsado hubka kiimimkada tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, waxa uu ahaa iskuday dil oo lagasoo shaqeeyay, wuxuu ahaa xad gudub iyo weerar lagusoo qaaday madax banaanida dalka Britain iyo shuruucda waana cambaaraynaynaa gabi ahaanba”

Saddex iyo labaatan dal oo taageraya dalka Britain ayaa hadda eryay boqol iyo lix iyo toban diblumaasi oo Ruush ah.

Waa eryiddii diblumaasiyiinta ee ugu balaarnayd abid tan iyo dagaalkii qaboobaa, Ruushka ayaa ballan ku qaaday in uu jawaab ka bixin doono arrintaas.

Ruushku wuxuu sidoo kale beeniyay in uu ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Salisbury weerarkaas oo lagu qaaday basaas hore oo Ruush ahaa Sergei Skripal iyo gabdhiisa kaas oo xaaladooda khatar galiyey.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!