Australia: Nin hubeysan oo dad badan ku afduubtay baar ku yaalla Sydney (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Australia: Nin hubeysan oo dad badan ku afduubtay baar ku yaalla Sydney (Sawirro)

Mareeg.com: Nin hubeysan ayaa tobonaan qof ku afduubtay baartamaha caasimadda dalka Autralia ee Sydney, waxaana mid ka mid ah daaqadaha baarkaas laga taagay calanka lagu yaqaano kooxa Jihaadiyiinta ah.

Boolis aad u hubeysan ayaa xiray qeybo ka mid ah bartamaha caasimada Sydney ee dalka Australia, kaddib markii qofkaas hubeysan dadka afduubtay.

Dadka ku dhex jira maqaayada “Lindt cafe” ayaa la arkayay iyaga oo gacmaha ku haya daaqadaha maqaayada. Booliska caasimada Sydney ayaa sidoo kale howlgal ka wada tiyaatarka ugu weyn caasimada.

Ciidamada amaanka ayaa dadku u diiday iney kusoo dhawaadan goobta baarku ku yaalla ee dadka lagu afduubtay.

Shirkadda iska leh maqaayadda ayaa sheegtay in baarka ay ku jireen markii weerarku dhacayey ilaa 10 shaqaale ah iyo 30 qof oo baarka macaamiil la ahaa.

Goor dhaweydna, Kanaalka 7-aad ee TV-ga dalka Australia ayaa baahiyey muuqaalka 3 laheyste oo baxsanayaa baarka dadka lagu afduubtay. Mid ka mid ah dadkaas ayaa xirnaa dharka shaqaalaha baarka.

Booliska dalka Australia ayaa sheegay iney xiriir la sameeyeen ninka dadka afduubay, hase ahaatee wuxuu boolisku ka gaabsaday inuu shaaciyo waxa uu dalbanayo afduubuhu.

Ra’iisul wasaaraha Australia, Tony Abbott, ayaa kulan la yeeshay gudiga ammaanka qaran, waxaana khudbad uu shacabkiisa telefishinka uga jeediyay ku sheegay in aanay weli cadeyn ujeedka qofka afduubka geystay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.