Askarta dowladda & Amisom oo howlgal ku qaaday Suuqa Bakaaraha

Mareeg.com: Ciidamada cowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa saaka howlgal baaritaan ah ku qaadau Suuq Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa saaka goor hore xiray wadooyinka dhanka wadad Wadhanah ka gala Suuq Bakaaraha, waxaana ganacsatada loo diiday inay gudaha u galaan Suuqa Bakaaraha inta baaritaanku socdo.

Sidoo kale, ciidamada ayaa xiray meelo ka mid ah wadada dheer Sodonka, gaar ahaan qeybta laga soo galo Suuq Bakaraaha oo ay ka mid yihiin Baar Ubax, Black Sea, Al-Baraka ilaa Isgoyska Shiirkoole.

Ciidamada Nabadsugida, Booliiska iyo kuwa Milateriga ayaa gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha waxa ay ka wadaan baaritaano lagu baadigoobayo hub iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay suuqa Bakaaraha ku sugan yihiin.

Ciidamada ayaa sidoo kale qabanaya oo baaraya gaadiidka sida gaarka loo adeegsado.

Shalay ayay aheyd markii Suuqa Bakaaraha lagu dilay labo xubnood oo la sheegay iney ka tirsanaayeen amniyaadka Al-Shabaab, kuwaaso sskari ku dilay Suuqa Bakaaraha.

Lama oga iney jiraan goobo gaar ah oo ay ciidamadu bartilmaameedsanayaan iyo in baaritaanku yahay mid saf-mar ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245