Askari toogtay wiil dhallinyara ah oo Xabsiga la dhigay

Read Time:42 Second

Muqdisho (Mareeg News ) Shalay gelinkii dambe ayaa askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda soomaaliya waxa uu fal dil ah kula dhaqaaqqay  Wiil ka mid ahaa dhalinyarada Magalada Jowhar.

Xilliga dilka uu dhacayey ayaa wiilka dhalinyarada ah waxa uu ku sugnaa goob hay’adda laga leeyahay saldanada Cumaan ay ka qeybineysay raashin, waxaana ciidamada Amaanka ay ku guuleysteen in la qabto askarigii dilka geystay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa ciidamada Milateriga isla markaana la dhigay  xabsiga Jowhar .

Wiilka dhalinyarada ah ayaa kamid ahaa dhalinyarada magaalada Jowhar waxaana marxuumka la dilay lagu magaacaabi jiray Xasan Maxamed Xasan waxaa dilkiisa aad uga xumaaday dhalinyarada magaalada jowhar .

Marka lagasoo tago in askarigii dilka geystay gacanta lagu dhigay masuuliyiinta maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo kan degmada jowhar intaba kama hadlin dilka loo geestay wiilkan dhalinyarada ah.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.