Askari reer Burundi ah oo sheegay inuusan jecleyn in la jebiyo Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Askari reer Burundi ah oo sheegay inuusan jecleyn in la jebiyo Alshabaab

Bujumbura – Mareeg.com: Askari ka tirsan ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Burundi ayaa sheegay inuusan jecleyn in la jebiyo dagaalyahanada Alshabaab ee dalka Soomaaliya.

Askarigaan reer Burundi oo dalkiisa dib ugu laabtay, magaciisana la qariyey ayaa u warramay wariye ka tirsan wargeyska The Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi, kaasoo magaalada Bujumbura howlo shaqo u tegay.

Wuxuu askarigani weriyaha The Star u shegay in muhiimadda uu u joogay Soomaaliya ay aheyd inuu helo dhaqaale badan ee aysan aheyn in la jebiyo Alshabaab, arrinkaas oo Midowga Afrika sheegto iney u socdaan.

Weriyaha The Star ayaa yiri “Booqashadeydii aan ku tegay caasimadda Burundi ee Bujumbura waxey indhahayga u furtay xaqiiqdii waxey nabad ilaaliyaasha Afrika ka rajeynayaan howlgalka Soomaaliya”.

“Waxaan la kulmay askari ka tirsan nabaad ilaaliyaasha ee Muqdisho kazoo laabtay, wuxuu ii sheegay wax ka duwan waxa guud ahaan laga aaminsan yahay howlgalka AMISOM ee ah iney Soomaaliya u joogaan iney Alshabaab meesha ka saaraan, wuxuu leeyahay waxaan halkaas u joogay danteyda gaar ah, jebinta Alshabaab waxey aheyd ahmiyad aan sidaas u weyneyn” ayuu weriyaahaas ku qoray wargeyska The Star.

Askarigu wuxuu intaas ku daray in mushaar ahaan uu u qaato $1200 oo doollar, isla markaana uu helo $500 oo doollar oo dheeraad ah, taasoo ay qaataan 10-askari oo ka kala tirsan ciidamada Somalia iyo Burundi oo qaata $50 ilaa $160 doollar.

“Ma doonayo in la jebiyo Alshabaab, waxaan taa badelkeeda jeclahay in howlgalku sii dheerado” ayuu askarigaan reer Burundi u sheegay The Satar, wuxuuna tilmaamay inuu hadda lacagtii uu Soomaaliya ka helay ku dhisanayo guri.

Wargeyska The Star ayaa sheegay in mowqifka askarigaas uusan aheyn mowqifka rasmiga ah ee dhamaan ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya muddo ka dagaallamayey, islamarkaana qaar badan oo ka mid ah ku dhinteen.

Burundi ayaa ah dalkii labaad ee ciidamada AMISOM usoo dira Soomaaliya, iyadoo ay ka horreysay Uganda oo kaliya, waxeyna hadda ciidamadoodu joogaan gobolka Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.