Askari Muqdisho xaas u laheyd 6 caruur ah

Mareeg.com: Askari ka tirsan ciidamada dowladda, qeybta deegaanka Madiina ayaa xalay xaaskiisa ku toogtay magaalada Muqdisho.

Dad ay guriga wada degaaayeen qoyska dhibaatadu ku dhacday ayaa Mareeg Media u sheegay in muran soo kala dhex galay askagira xaaskiisa kadib uu xabad ku dhuftay, taasoo keentay iney durba geeriyooto.

Haweeyneyda seygeedu dilay oo ka tagtay ilaa 6 caruur oo mid ka mid ah ay sidday ayaa magaceeda lagu sheegay Zahro Maxamuud.

Arrintaan aya naxdin ku noqotaya dadka xaafadda Macmacaanka ee deegaanka Madiina, halkaasoo ah goobta dilkaani ka dhacay. Ninka dilka u geystay xaaskiisa ayaa la sheegay iney gacanta ku dhigeen ciidamada maamulka degmada Wadajir.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245