Askari ka tirsan milateriga Soomaaliya oo isku dhex dilay xabsi ku yaalla Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Askari ka tirsan milateriga Soomaaliya oo isku dhex dilay xabsi ku yaalla Muqdisho

Mareeg.com: Askari ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku xirnaa xabsi ku yaalla xarrunta Villa Baydhabo ee looga taliyo ciidanka xooga dalka ayaa is daldalay kadib markii uu halkaas muddo dheer ku xirnaa.

Askariga oo magaciisa lagu sheegay jiray Cali Gamuute, ayaa la tilmaamay in qolkii uu xabsiga kaga xirnaa uu isku dhex daldalay, iyadoo aan laga warheyn.

Gamuute, ayaa waxaa la sheegay in muddo sanado ah uu ku xirnaa xabsigaasi, waxaana la sheegay inuu cuqdad ka qaaday isagoo aaminay in xabsiga lagu iloobay.

Villa Baydhabo oo ah Xarunta Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ku dhex yaalla xabsi qaab dhaqancelis ahaan loogu xiro Ciidanka Militariga, ee falalka dhaqan xumada lagu helo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!