Askari ka tirsan ciidanka xooga oo lagu toogtay muqdisho

Read Time:42 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta barqadii lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Siinaay, halkaasoo uu ka howl galayay.

Rag ku hubeysan bastoolado ayaa toogasho ku dilay askariga, waxaana ay ka qaateen qori AK47 oo uu watay.

Goobjoogayaal ku sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa sheegaya in kooxdii dilka geystay ay baxsadeen, waxaana wararka qaar sheegayaan in mooto ay wateen ku baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ka howl gala Saldhiga degmada Warta Nabadda ayaa goobta dilka ka dhacay gaaray, iyagoo ka qaaday meydka askariga.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo 24-saacadood ee la soo dhaafay ka dhaca Muqdisho, iyadoo xalay nin oday ah lagu dilay degmada Xamar Jajab.

Magaalada Muqdisho ayaa bishii Ramadaan ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilalkii ugu badnaa, waxaana dadka la dilay bishaas lagu qiyaasay inay ka badnaayeen sodomeeyo ruux.

 

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %