Askari dil ka geystay Dhuusamareeb oo Gacanta lagu dhigey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Askari dil ka geystay Dhuusamareeb oo Gacanta lagu dhigey

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan isla Ciidamada,kaas oo xalay Magaaladaasi ku diley qof Shacab ahaa.

Ninka la diley oo dhegaha ama maqalka la’aa ayaa waxaa lagu Magacaabi jirey Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Siigaale) ayaa dilkiisa waxaa uu yimid,kadib markii Mooto uu saarnaa ay jiirtay goob ay Ciidamada Gaadiidka ku hubiyaan taas oo keentay in askariga uu rasaas ku furo.

Qof kamid ah dadka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in askariga rasaasta ku furey Mootada uu isku dayey in uu baxsado,hayeeshee Ciidamo kale oo goobta ku sugnaa ay gacanta ku dhigen.

Laamaha Amniga Magaalada dhuusamareeb weli wax faah faahin ah kama bixin dilkaas iyo askariga loo xirey,hayeeshee wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada Magaalada ay tahay mid caadi ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!