Askari ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu gowracay Baydhabo

Read Time:45 Second

Baydhabo – Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka halkaas lagu arkay medyka askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo la gowracay.

Wararka ayaa sheegaya in askarigaas xalay koox hubeysan kala baxeen gurisgiisa, dabadeedna saaka meydkiisa laga helay xaafad ka tirsan Baydhabo.

Sidoo kale, waxaa xalay Baydhabo lagu dilay labo ruux oo kale, kuwaasoo la sheegay iney ahaayeen rayid, lamana oga cidda dilalkaas geystay.

Maamulka ka taliya Magaalada Baydhabo weli kama uusan hadlin dilalka xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo cida ka dambeysay. Dadka Baydhabo ayaa ka naxay falalka dilalka ah ee xalay dhacay.

Dhanka kale Alshabaab ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay ku qasbeen inay isaga baxaan xero ciidan oo ku taala duleedka degmada Baydhabo ee gobolka Baay.

Abuu Muscab, afhayeenka dhanka howlgalada ee Alshabaab ayaa warbaahinta u sheegay inay ku sugan yihiin xerada ciidanka ee Daynuunaay 18 KM dhanka bari kaga began Baydhabo.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.