Askari cabtooy ah oo xalay qof ku dilay degmada Xamarweyne

Muqdisho – Mareeg.com: Askari ka tirsan booliska Soomaaliya oo la sheegay inuu isticmaalo maandooriye ayaa xalay qof rayid oo wada sakraamayeen ku dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, sida uu xaqiijiyey gudoomiyaha degmadaas, C/llaahi Sahal Gar-dhuub.

Gudoomiye Gar-dhuub ayaa sheegay in ninka dilka geystay oo lagu magacaabo Xuseen khaliif uu yahay dable ka tirsan booliska Soomaaliya, islamarkaana qori uu sitay uu ku toogtay nin ay maandooriye wada cabayeen oo lagu magacaabo C/llaahi Cabdi.

“Ninka dilka geystay waxaa la yiraahdaa Xuseen Khaliif, waa dable ka tirsan booliska, wuxuu dilay nin rayid ah oo la oran jira C/llaahi Cabdi, dhamaantoodan waa cabtooy” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Sahal Gardhuub oo la hadlayey KNN.

Gar-dhuub ayaa xusay in ninka wax dilay aan lagu tilmaami karin ciidan, wuxuuna saraakiisha booliska ugu baaqay iney dagaal ku qaadaan kooxaha nuucaan ah ee anshax xumada wada magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa ballan qaaday iney ku dedaalayaan soo qabashada ninka dilka geystay, isagoo sheegay inuu yahay nin la garanayo.

Degmada Xamarweyne ayaa waxaa aad ugu badan kooxaha maandooriyaha istcimaala, kuwaasoo isu geysta dhibaatooyin, dad kalanba dhibaateeya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245