
Read Time:30 Second
Mareeg.com: Askari ka tirsan booliska Soomaaliya oo la sheegay inuu maandooriye cabay ayaa xalay rasaas ku furay dad la socday gaari dadweyne oo marayey degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Rasaasta askarigaas ku furay gaariga shacabku la socdeen ayaa waxaa ku dhaawacmay 7 ruux oo uu ka mid yahay wadihii gaariga.
Ciidamada booliska ayaa gacanta ku dhigay askariga dadka rasaaseeyey, waxaana la sheegay inuu ku xiranyahay Saldhiga Afar Irdoodka.
Maamulka degmada ayaan ka hadlin falka askarigaasi ku kacay. Degmada Xamrweyne ayaa ka mid ah meelaha lagu sameeyo maandooriyaha loo yaqaano Calaqa oo dad badan ku halaabeen.
Mareeg Media