Askar Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Degmada Wanlaweyn * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Askar Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Degmada Wanlaweyn

Ilaa lix ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhimatay qarax miino oo lala beegsaday kolonyo galbinaysay baabuur u socotay garoonka Ballidoogle.

Warar aanu ka helnay hay’ado dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in askarta dhimatay ay la socdeen baabuur korka ka furan, waxaana uu marayey inta u dhaxaysa magaalooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

Dhinaca kale, qarax ayaa goor hore oo manta lala beegsaday baabuur ay wateen ciidamada milatariga Soomaaliya oo marayey degaanka Ceelasha Biyaha.

Qaraxan ayaa lala helay baabuur, uu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhinaca amniga ah.

Sarkaalka saarnaa baabuurka iyo saddex askari oo kale ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud ay kasoo gaareen qaraxaasi.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!