Askar laga ceyriyey milateriga Soomaaliya oo markale debadbax dhigay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Askar laga ceyriyey milateriga Soomaaliya oo markale debadbax dhigay

Muqdisho – Mareeg.com: Askar horay looga ceyriyey milateriga Soomaaliya ayaa manta markii labaad ku debadbaxay Muqdisho, iyagoo ku doodaya in si aan sharci aheyn looga saaray ciidamada qalabka sida.

Debadbaxa waxaa sidoo kale ka qeybgalay qaar ka mid ah naafadii ciidamada xooga dalka Soomnaaliya, waxaana dadka debadbaxayey u badnaayeen rag iyo dumar waayeel ah, kuwaasoo ku qeylinayey erayo ka dhan ah taliyaha milateriga Soomaaliya Jen. Indhaqarshe.

Qaad ka mid ah Banaanbaxayaasha oo warbaahinta lahadlayey ayey sheegeen in Xaquuqdii ay lahaayeen ay waayeen iyaga oo sheegay in horey uwaayeen kasii mid ahaanshiyaha ciidamada oo ay xusen in ay mudo dheer oo ay ku jireen dhiba badan usoo mareen.

Debadbaxa ayaan u dhicin sidii ay u qorsheeyeen dadka soo abaabulay, waxaana is hortaagay ciidamada booliska, halka warbaahinta lagu amray iney goobta ka tagaan.

Afhayeenka ciidamada Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Cabdi Mahad Cali ayaa sheegay in ay usoo dhibtoodeen mudada dheer abaalkoodii laga dhigay in ay qaxooti noqdaan.

Sidoo kale, haweeney la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay iney marti ku noqdeen dalkood oo sida ay tiri loo diiday xuquuq ay leeyihiin.

Askartaan ayaa horay dacwad ugu gudbiyey guddiga difaac baarlamaanka Soomaaliya, waxaana manta baarlamaanka looga yeeray taliyaha ciidamada Milateriga iyo wasiirka gaashaandhiga si ay warbixin uga dhiibaan askartan cabanaya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo taliyaha milateriga Jen. Indhaqarshe ayaa horay u sheegay in liiska ciidamada laga saaray boqolaal aan wax shaqo heynin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!