Askar Ka Tirsan UN Oo Lagu Dilay K.Sudan Iyo Dagaal Ka Dhex Qarxay Beelaha Nuer & Dinka

Read Time:1 Minute, 35 Second

Juba, Mareeg.com: Dagaalkii axadii lasoo dhaafay ka bilwoday Koonfurta Sudan ee u dhaxeeyey ciidamada dalkaas ayaa isu rogay mid beeleed, sida a shaacisay qaramada Mioobay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya beelaha sida ugu loolama awooda dalkaas ee Nuer iyo Dinka, waxaana labadaan beedlood kazoo kala jeeda madaxweynaha dalkaas Alva Kiir iyo ku xigeenkiisii xilka laga qaaday ee gedeooday Riek Machar.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barrack Obama ayaa ka digay in Koonfurta Sudan oo ku dhex dhacdo colaad sokeeye oo lagu hoobtoi.

Dhanka kale, maleeshiyaadka falaagada ah ee beesha Nuer ayaa dila 3 ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Hindiya kadib markii ay weerareen xarrun UN-ku leeyahay oo ay gabaad u galeen kumaan dad ah oo u dhashay beesha madaxweynaha ee la yiraahdo Aldnga.

Safiirka Hindiya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa xaqiijiyay geerida saddexda askari, markii la weeraray xero ay ku sugnaayeen, waxaana si deg deg ah goobtaas looga soo saaray afartan askari kuwaasoo haatan bad qaba.

Mucaaradka taageersan Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Kuufurta Sudan ayaa la wareegay xeradaas, iyadoo dilay tiro ka mid ah ilaa 32-ruux oo ka soo jeeda qowmiyada Dinka oo xeradaas magan ahaan u tagay.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee South Sudan Riek Machar ayaa diiday inuu la kulmo madaxweyne Salva Kiir oo uu ku tilmaamay kalitalis, wuxuuna ciidamada ugu baaqay iney xilka ka tuuraan.

Waxa dlka KMoonfurta Sudan ku sugan wasiir arrimo debadeedyada dalalka Somalia, Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo Uganda six al loogu helo colaadda, waxaana afhayeen u hadlay xukuumada Uganda sheegay in wasiirada IGAD la kulmeen Salva Kiir, aydan doonayaan iney la kulmaan ninka kazoo horjeeda ee Riek Machar.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in labo xarrun oo ay ku leedahay magaalada Juba ay gabaad ahaan u galeen ilaa 20 kun oo ruux halka 14kun kale galeen xarrun UN-ku ku leeyahay magaalada Bor, hakaasoo ah goobta la weeraray ee lagu dilay askarta Qaramada Midoobay.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %