Askar ka tirsan milateriga Soomaaliya oo loo tababaray xaaladaha degdega ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Askar ka tirsan milateriga Soomaaliya oo loo tababaray xaaladaha degdega ah

Mareeg.com: Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada tababarada ciidanka ee Jasiira.

Tababarkaan oo socday muddo saddex iyo toban cisho ah ayaa ciidanka xoogga waxaa lagu barayey howllo la xiriira shaqadooda, 6 Usbuuc ayaa ciidanka qaar waxa ay qaateen koorso la xiriirta gargaarka deg dega ah, halka todobaadna  ay qeyb kale oo ciidamada xoogga ay qateen habka goobta dagaalka.

Munaasabadii tababarka loogu soo xiray saraakiishan ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, saraakiisha howlgalka Midowga Yurub ee tababarka Ciidanka xoogga, AMISOM iyo saraakiisha qeybaha hoggaanada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Saraakiisha tababarka loo soo xiray oo gaarayey 33 sargaal  ayaa waxaa ay si dhoolotus ah u soo bandhigeen qaar kamid ah waxyaabihii ay ku barteen Koorsooyinkan ay qaateen muddada tababarka uu u socday.

General Massimo Mingiardi, Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee tababarka Ciidanka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Midowga Yurub 1,200 oo askari ay Soomaaliya u tababareen sanadkan sii dhamaanaya, isagoo sidoo kale balan qaaday in sanadka soo socoda ay qalabeyn doonaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta ay ka qaadanayaan tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga, waxaana uu saraakiisha tababarka dhameystay ku adkeeyay in ay ka faa’ideeystaan xirfadihii ay barteen

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!