Askar Ka Tirsan Maamulka Jubbaland Oo Ku Beeray Al Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Askar Ka Tirsan Maamulka Jubbaland Oo Ku Beeray Al Shabaab

Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ayaa Degmada jilib ee Gobolka jubada Dhexe waxa ay kusoo bandhigeen Saddex Askari oo ka goostay maamulka Jubbaland oo fadhigiisa yahay Magaalada Kismaayo.

Goobta lagu soo bandhigayay Saddex-daan Askari iyo hubkii ay ku dagaalamayeen waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Al Shabaab Ehelada Askartaasi.

Saddex-daasi Askari ayaa sheegay in ay ka goosteen maamulka uu hogaamiyaha ka yahay Axmed Madoobe islamarkaana ay haatan ogaadeen in waxa ay u dagaalamayeen ay ahaayeen wax qaldan.

Isa soo dhibidda Askartaan ayaa kusoo aadeysa xilli maalmo ka hor maamulka Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud uu isku dhiibay  Cabdullaahi Jareer oo ahaa Taliyihii Ciidamada dowlada Soomaliya ee Degmada Ceel-buur  ee Saddex-dii Sano aynu soo dhaafnay ku sugnaa Degmadaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!