Kampala, Oct 23, 2013, (Mareeg.com): Askar ka tirsan ciidamada dalka Uganda oo ka mid ahaa ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Alshabaab kula dagaallama ayaa ka ilmeysiiyey madaxwenahooda kadib markii la badelay ee ay dalkooda ku laabteen.
Askarta ka socota dalka Uganda ee Soomaaliya jooga tan iyo sandkii 2007 ayaa badel lagu sameeyaa kadib marka ay muddo shaqada Soomaaliya ka wadaan, waxaana dib loogu celiyaa dalkooda, iyagoo kuwo kale lagu soo badelo.
Wargeyska “Daily Monitor” ee ka soo baxa magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa qortay in madaxweyne Musevi amakaag iyo anfariir ka qaaday warbixin ay siiyeen askar ka laabtay Soomaaliya, oo u sheegay dhibaato xoog leh oo ay ku hayeen intii Soomaaliya joogeen saraakiisha hogaamiya ciidamada dalkooda ee ku sugan Soomaaliya.
Wargeyska Daily Monitor ayaa sheegay in madaxweyne Yoweri Museveni markii uu askarta warbixinta ka dhageysnayey uu hoolka shirka ka saaray dhamaan saraakiishii iyaga hogaaminayey marka laga reebo taliyaha ciidamada dalka Uganda oo lagu magacaabo Gen Katumba Wamala si wax kasta u sheegi karaan.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa askartaas warbixin buuxda uga helay kadib markii uu kula kulmay dugsiga tababarka ciidamada ee Singo ee degmada Nakaseke, waxeyna ka warbixiyeen noloshooda, qaabkii ay u dagaalami jireen, hoggaanka ciidanka iyo mushaarkii ay heli jireen.
Askarta ayaa madaxweyne Yoweri Museveni u sheegay dhibaato kasta oo ay la kulmeen ee saraakiisha hogaamisa kula kaceen, waxaana warbixintaasi ka ilmeysiisay madaxweynaha oo aad uga carooday waxyaabaha saraakiisha ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku kaceen.
Ciidamada madaxweyne Yoweri Museveni warbixinta ka qaatay ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada Uganda iibsadaan hubka, ayna ka iibiyaan shacabka Soomaaliyeed oo Alshabaab qeyb ka noqon karo.
Sidoo kale, waxey sheegeen askrataasi iney marar badan iyagoo baahan la dagaallameen Alshabaab, islamarkaana marar badan la siiyey raashin uraya, halka sraakiisu raashin nadiif ah kazoo iibsanayeen suuqayada.
“Taliyaashu waxay suuqyada ka soo iibsan jireen cunto macaan oo nadiif ah, inagana waxay nagu qasbi jireen inaan cunno mid uraya” sidaa waxaa yiri askar ka tirsan guutada 45-aad ee ciidanka Uganda oo ka mid ahaa ciidamadii warbixinta saraakiisha ka dhanka ah siiyey madaxweyne Yoweri Museveni.
Askari kale ayaa madaxweyne Yoweri Museveni u sheegay in xitaa saraakiisu u diideen iney dagaallada u adeegsadaan gaadiidka aan rasaasu Karin, oo taa badelkeeda saraakiishu is is-tustus ku jiro ay ugu mari jireen wadooyinka Muqdisho.
Sida ay qortay Daily Monitor, askarigaan ayaa sidoo kale madaxweyne Yoweri Museveni u sheegay in saraakiisu iibsadaan shidaalka gaadiidka dagaalka sida Taangiyada oo u baahan shidaal badan.
“Gaadiidka dagaalka ee aan xabadu karin looma isticmaali jiran dagaalka Al-shabaab, waxayna taa bedelkeeda ay jidadka Muqdisho u mari jireen si is-tustus ku jiro, waayo shidaalkii ay ku dagaallami lahaayeen waxaa iibsaday taliyaasha” ayuu yiri askarigaas.
Askarta ayaa sidoo kale ku cawday ineysan si toos ah u helin mushaarka iyo gunada ay lahaayeen, islamarkaana marka ay saraakiisha weydiiyaan loo hanjabi jiray sida ay sheegeen.
Waxey sheegeen askartu in hadii ay xaqooda weydiiyaan saraakiisha loogu hanbayey in dib loogu celinayo dalka Uganda, waxeyna sheegeen in xilligan ka hor aysan su’aalaha iyo warbixintan soo bandhgi karin, iyagoo xusay inay aaminsanaayeen in madaxweynuhu ka war hayo dhibaatada iyaga ku heystay Soomaaliya oo kula dagaallamayeen Alshabaab.
Sida Daily Monitor qortay, madaxweyne Yoweri Museveni oo xanaaq dartiis indhaha isku hayey intii ay hadlayeen ayaa indhihiisa furay oo yiri “Waan ka xumahay wax kasta oo idinku dhacay intii aad joogteen halkaas, hadda ayaan ku baraarugay arrintaan, waxaana idinka ballan qaadayaa inaan wax ka qabanayo khaa’iniintii dhulka ku jiiday magaca Uganda”.
Madaxweyne Yoweri Museveni oo aad u yaaban ayaa sidoo kale askarta u sheegay in warbixinta ay siiyeen aysan xitaa usoo gudbin laamaha amaanka Uganda ee la howlgala ciidamada UPDF ee AMSIO ka mid ah, wuxuuna askarta uga mahada celiyey siday ay u siiyeen macluumaad badan oo ka qarsoonaa.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka Uganda Lt Col Paddy Ankund oo horay u ahaan jiray Afhayeenka ciidamada AMISOm ee Soomaaliya jooga balse xilli hore la badelay oo arrintaan wax laga weydiiyey ayaa ka gaabssaday inuu ka hadlo.
Lt Col Paddy Ankund ayaa qiray iney jiraan ilaa 25 ciidan, saraakiil iyo qandaraasle-yaal ah oo loo ganaaxay khiyaanooyin, xatooyo iyo musuq-maasuq ay sameeyeen intii ay ku sugnaayeen Soomaaliya.
Shabakadda Mareeg oo u kuurgashay qaar ka mid ah waxyaabaha askartaan sheegeen ayaa ogaatay iney magaalada Mqudisho ku yaallaan goobo maalmaha qaar ay saf u galaan booyada shidaalka qaada ee ciidamada Amsiom, halkaasoo shidaalka looga iibiyo.
Sida ay ogaatay Mareeg.com, shidaalka laga iibiyo ciidamada Amisom ayaa qiimo ahaan ka hooseeya kan ganacsatadu keento, waxaana la sheegay inuu ka nadiifsan yahay kan ganacsiga loo keeno, maadaama uu yahay shidaal ciidan loogu talagalay oo si wanaagsan loo soo sifeeyey si uusan u waxyeeleen gaadiidka dagaalka.
Shidaalka laga iibiyo ciidamada Amsiom waxaa aad u jecel dadka ilaaliya caafimaadka gaadiikooda, halka aysan jecleyn dadka dhabiila shidaalka, maxaa yeelay shidaalkaas gaadiidku si fudud ayay ku dhameynayaan, halka kan wasaqeysan uu gaarigu muddo heynayo, sida ay Mareeg.com ka ogaatay gaadiidley Muqdisho ku sugan.