Muqdisho, Mareeg.com: Dabley bastooladu ku hubeysan ayaa labo askari iyo haweeney ku dilay xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhawaan wax laga badelay saldhigyada ciidamada ee Suuqaas.
Kooxda hubeysan oo loo badinayo iney ka tirsanaayeen Alshabaab ayaa si gaadmo ah u weerararay askarta oo la sheegay iney ku sugnaayeen goob shaaha lagu iibiyo oo ku taalla wadada dhexmarta Suuqa Xoolaha.
Dadka la dilay waxaa ku jira haweeney waxaana warar kala duwan kazoo baxayaan haweeneyda la dilay oo wararka qaar sheegayaan iney shah ibineysay, halka warar kale sheegayaan iney ka mid aheyd ciidamada.
Kooxda dilka geystay oo lagu sheegay 5 ilaa 6 dabley ah ayaa qaatay qoryihii ay wateen askarta ay dileen, waxaana goobjoogayaal ku sugan Suuqa Xoolaha Mareeg u sheegeen in dableydaas qaateen qoryaha, iyagoo rasaas kor u ridaya.
Ciidamo katirsan Dowlada ayaa durba gaaray halkii lagu dilay askarta katirsan Ciidanka Dowlada waxa ayna halkaasi ka qaadeen meydadka.
Xalay ayay ahayd markii labo kamid dadka degan xaafadda Suuqa xoolaha lagala soo baxay guryihii ay ku sugnaayeen , kadibna la dilay. Dadka deegaanka ayaa mar qura saaka ku waabariistay meyda labada ruux oo lagu kala sheegay qof dhalinyaro ah iyo nin weyn oo sida la sheegay wadaad ahaa.
Arrintan ayaa waji gabax ku ah taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya oo todobaad ka hor halkaas wax ka badel ku sameeyey ciidamadii ka howlgeli jiray Suuqa Xoolaaha, Iyadoo ciidamada laga qaaday deegaano badan, lana dajiyey labo xarumood oo ku yaalla suuqa.
Mareeg.com