Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka gudoomay Safiirka cusub ee dowladda Kenya. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka gudoomay Safiirka cusub ee dowladda Kenya.

Muqdisho, July 23, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Maj. Gen. (Rtd.) Lucas Kyonze Tumbo .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Safiirka cusub oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa waxa ay xuseen horumarka uu gaaray xiriirka taariikhiga ah iyo midka derisnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya .
Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu si rasmi ah u bilowday December 11, 1963 .

Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi wadaag ah .

Dowladda Kenya ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo hab wadaag ah kula shaqeeya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya (XDS).

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!